Deeq A. Posted August 30, 2019 Dhuusomareeb (SMN) – Taliyaha ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Gen Tigabu Yilma ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Gal-mudug, halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Markii uu gaarey caasimadda, sarkaalkan u dhashay Itoobiya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan, isaga oo kala xaajoodey arrimo uu amniga ku jiro. Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga Soomaaliya, oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in ay isla afgareen doorka ay AMISOM ka qaadan karto sugitaanka ammaanka magaaladda inta lagu guda jiro shirka dib u heshiisiinta. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in haatan magaaladda ay tahay mid nabad-gelyadeeda la isku haleyn karo, isla markaana shirka uu ku qabsoomi sida loogu talogalay iyo waqtiga loo qorsheeyay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites