Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo beenisay eedeyntii ay u jeedisay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi  (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa beeniyey eedeyn culus oo ay horay ugu jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM aysan ku lug laheyn dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa tilmaamay u jeedka ciidamadooda kaliya uu yahay, sidii ay Soomaaliya ugu soo dabaali-lahaayeen nabad iyo xasilooni.

“Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. dadaal kasto oo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri Paul Njuguna.

Ugu dambeyn afhayeenka ciidanka Kenya ayaa hoosta ka xariiqday inay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo marar badan ciidanka dowladda Kenya lagu eedeeyey in ay ku lug leeyihiin dhuxusha tirada badan ee laga dhoofiyo dekedda magaalada Kismaayo, taas oo la sheego inay dhaqaale ka hesho kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this