Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha AMISOM oo tegay magaalada Dhuusamareeb+Ujeedada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Tigabu Yilma  oo u dhashay dalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM ayaa ka dagay garoonka Ugaas Nuur, iyadoona halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka safarka taliyaha AMISOM ayaa la xariira xoojinta amniga, maadaama dhowaan magaalada Dhuusamareeb ay marti galineysi shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kadibna lagu qaban doono doorashada guud ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan taliye Yilma iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu kulan uga socda magaalaaasi.

Kulankan ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ah ka tahay dhammaan warbaahinta.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeye, iyadoo ciidamada dheeraad ah lagu arkayo halkaasi.

Safarka taliyaha AMISOM, ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe xiisado xoogan ay ka taagnaayeen  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this