Deeq A. Posted August 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, waxuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda. Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites