Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn kaga yimid DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa waxay iska fogeysay eedeymaha la xiriira in ay ciidankeeda qayta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay lug ku leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaasi in ay uga howlgalayaan Soomaaliya sidii ay ugu soo dabaali-lahaayeen nabadda iyo xasilin.

“Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. Dadaal kastoo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri.

Paul Njuguna oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd barwaaqo, gargaar iyo kala dambeyn.

Hadalka xukuumadda Nairobi ayaa kusoo aadaya iyadda oo Golaha Ammaanka UN-ka uu ka hor-yimaaday qaraar ay Kenya ka keentay Al-Shabaab oo ay dooneysay in lagu gelio liis-madow.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sheegtay in qaraarkaas uu dhaawacayo gargaarka bini’aadanimo ee dalka.

Talaabadaasi kadib, danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, Abuukar Baalle, ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya in ay goobjoog ka yihiin dhuxusha laga dhoofiyo koonfurta waddanka, taasi oo ay dhaqaale ka hesho AlShabaab.

Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay sannad kahor soo saartay waxay ku sheegtay in muddadii u dhexeysay 2011 illaa 2017, dhulka Soomaaliya laga jaray sideed milyan oo geed.

Dawladda dhexe ee Soomaaliya oo soo saartay amar ay ku mamnuucayso dhuxusha sababtay in la xaalufiyo deegaanno badan ayaa sheegtay in ku sameynayso baaritaano iyada oo la kaashaneyso hay’addo caalami ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this