Deeq A. Posted August 30, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, saddex kelana waa ay ku dhaawacmeen markii rasaas lagu furay. Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Godob, 40 KM u jira magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolkaasi, ayaa Shabelle u sheegay in dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ay yihiin qaraabo dhowr. Mr Gulaafe oo xusay in dableyda dhibaatada geystay ay dhanka Puntland ka yimaadeen ayaa ka gaabsaday ujeedada loo beegsaday. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa dhinaca dowlad goboleedka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites