Deeq A. Posted August 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa xafladda xil-lawareegidiisa uu kaga dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo wadooyinka caasimada. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites