Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo la Kulmay Dhiggiisa Japan.

Recommended Posts

Deeq A.   

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed.

Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya  inta u dhexeysa 28-30 August.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhii

madda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka,  loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993.FB_IMG_1567134261489.jpg

FB_IMG_1567134258844.jpg

FB_IMG_1567134255150.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this