Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI oo ka soo horjeestay go’aanka ay DF Somalia “ku ciqaabeyso reer Kismaayo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya iyo kuwa kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa facebook.

Siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa waana arrin ka dhexeysa siyaasiyiinta laakin macquul ma ahan in dawladda Soomaaliya magaceeda lagu ciqaabo dad Soomaaliyeed.

Go’aanka madaxda Dawaldda Soomaaliya oo ka caraysan doorashadii Jubaland ee loogaga awood roonaaday ee leh muuqaalka aargoosiga ma ahan wax qabta shacabka Soomaaliyeed ee Jubaland ku dhaqan iyo kuwa halkaas u safraya, diyaaradaha Kismaayo tagaya ama ka imaanaya MUQDISHO ha soo maraan ma ahan go’aan xilkasnimo ama saldhig sharci leh, waana isla caqliyaddii wadooyinka Xamar lagu xiray iyo midda aan looga hadlayn laguna cunaqabataynayn shabaabka canshuuraha ka qaadanaya dekedda Muqdisho iyo ganacsiga dalka.

Go’aanka Villa Somalia saakay ka soo baxey Waa mid dhibaato ku ah xuquuqda isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, kamana bixi karaan dadkeenu culeyska ka dhalan kara go’aankaas.

Hey’adihii dalku waxey noqdeen kuwo go’aanno siyaasadaysan la soo dhex marsiisto, kana gudbaya xayndaabkii shaqeed ee loo igmaday. Hey’adda duulista hawadu marnaba kama aysan hadlin diyaaraddii ciidamada Itoobiyaanka ah waday ee isku dayday In ay ka degto Kismaayo todobaadkii hore, laakin go’aanada shacabkeena lagu dhibaataynayo waa soo saaraysaa. Waa wax laga xumaado.

Inkastoo aan aaminsanahay inuusan go’aankani hirgali doonin, haddana Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada, Tamarta iyo Gaadiidka labada aqal ee barlamaanka Federaalka waxaa looga fadhiyaa In ay soo faragaliyaan go’aankan sharciga dalka hareermarsan, laguna ciqaabayo shacabkeena u kala socdaalaya gobolada dalka.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this