Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran Oo Shuruud Ku Xidhay Wada-Hadallada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay wada-hadallo doonayaan, ay marka hore qasab tahay inay u hoggaansamaan heshiiskii sannaddii 2015 laga gaadhay barnaamijka Nukliyeerka Iran.

1BDF0A1A-DD09-4684-BB01-CEB7C7D39BEF_w10

Isaga oo maanta ka hadlayey dalka Malaysia, oo uu booqasho ku joogo, ayaa Zarif waxa uu Mareykanka ku eedeeyey inay “ku lug leeyihiin argagixisanimo dhaqaale oo ka dhan ah shacabka Iran.”

Waxa uu tusaale usoo qaatay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga baxay heshiiskii 2015, kaasi oo Iran ay ogolaatay kadib wada-hadallo socday laba sano oo ay la gashay dalalka Mareykanka, Britain, Shiinaha, France, Russia, Jarmalka iyo ururka Midowga Yurub.

“Kama aynan tagin heshiiskaas. Waxaan weli miis la fadhinaa shan dal oo kale iyo Midowga Yurub, Mareykanka wuxuu ahaa dalkii lixaad ee go’aansaday inuu ka baxo.” Ayuu yidhi Zarif.

“Sidaas darteed, haddii ay doonayaan inay kusoo noqdaan qolka, waxaa jira tikit ay tahay inay iibsadaan, tikit-kana waa u hoggaansamidda heshiiska.”

Trump ayaa aad u dhalleeceeyey heshiiskaas, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid aad ugu wanaagsan Iran, islamarkaana uu furay waddo ay si fududd ugu sameysan karto hub Nukliyeer.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this