Deeq A. Posted August 29, 2019 (SLT-Florida)-Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay shuruuc cusub oo khusaysa xayaysiimaha siyaasadeed, arrintan ayaa timid ka hor doorashada madaxweynenimada Maraykanka, iyadoo laga cabsi qabo in shirkadda loo adeegsado si aan habboonayn. Dadka raba inay xayaysiimo u sameeyaan siyaasadda ayaa hadda ka dib laga dalban doonaa in ay aqoonsigooda soo gudbiyaan, ka hor inta aan la siinin calaamad “xaqiijinaysa in ururkaasi yahay mid sax ah”. Waxay qayb ka tahay isku dayo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto dad hore u sameeyay xayaysiimo ay ku gudbinayaan macluumaad khalad ah ama marin habaabin ah iyaga oo oga gol leh in ay ku saameeyaan codbixiyeyaasha. Xayaysiimaha lacagta lagu siiyo Facebook ayaa caan ka dhex noqday ol’oleyaasha siyaasadda iyo ururrada kale si loo bartilmaameedsado codbixiyeyaasha. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in Ol’olihii Trump ee 2016 xayaysiimaha lagu bixiyay 70 milyan oo doollar. Facebook ayaa dhaqan galinaya hanaan daah furnaan oo dal-dal ah, arrintaas oo billaabatay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in qolyo uu fadhigoodu yahay Ruushka ay Facebook soo galiyeen macluumaad ay ugu talo galeen in ay ku saameeyaan codayntii doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016. Facebook ayaa tan iyo sannadkii 2018 xayaysiimaha siyaasadda Maraykanka ku laraysay “lacag ayaa lagu bixiyay” balse sharcigaasi ma xaddidayn si xun u adeegsashada. Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Falun Gong oo lala xidhiidhiyay Epoch News ka dib markii warbixin ka soo baxday NBC lagu shegay in si been ah astaantooda loogu adeegsaday si dad badan loo gaadhsiiyo xayaysiimaha Trump. Source Share this post Link to post Share on other sites