Deeq A. Posted August 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in ay degmada Howladaag ee Muqdisho ay ku qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa nan lagu soo bandhigin magaca shaqsigan. NISA ayaa baahisay sawirro laga soo qaadey ruuxan, oo la tilmaamay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta. Qoraalka NISA ayaa u qornaa: “NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashada Sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites