Sign in to follow this  
Deeq A.

Rayid wax ku noqday qarax ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku naf-waayey, laba kelana waa ay ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax Miino uu maanta ka dhex-dhacay maqaaxi ku taala degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka wax ku noqday qaraxan ayaa dhamaantooda ahaa dad shacab ah xili goobta ay wax ka dhaceen oo burbur xoogan uu soo gaarey ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, wallow uusan khasaaro gaarin.

Askar kale oo ka tirsan maamulka degmada ayaa soo gaarey meesha, iyaga oo sameeyay baaritaano aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqbatay.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, oo mas’uuliyiinta degmada aysan wali wax war ah kasoo saarin, illaa iyo hadda.

Qoryooley, waa magaalo kutaala koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Shabeellaha Hoose. Degmadaan waxay ka kooban saddex xaafadood oo kala ah Hodan, Xalane iyo Wadajir, waxeyna caan ku tahay xoolaha beeraha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this