Deeq A. Posted August 29, 2019 Beledwayne (SMN) – AlShabaab ayaa sheegtay in ay qarax Miino oo ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi. Nuur Cumar ayaa halkaasi wuxuu ugu magacownaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, ee xaruntiisu tahay Jowhar. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Al-Shabaab oo kasoo baxay dhanka mas’uuliyiinta gobolka iyo kan degmadda. Jalalaqsi ayaa waxay ku taalaa meel u dhaxaysa Wabiga Shabeelle, magaalooyinka Buuloburde iyo Jowhar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites