Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo war yaab leh kasoo saartay sarkaalkii ay maanta soo bandhigtay NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in sarkaalkii maanta ay hadda NISA sheegtay in lagu qabtay magaalada Muqdisho, uu ka tirsanaa qeybta warbaahinta ee kooxdaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta kooxdaas ayaa sheegay in ninka sawirradiisa lasoo bandhigay uusan weligiis ka mid noqon weybta warfaafinta Al-Shabaab.

“Ninka ay sirdoonka Soomaaliya sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internet-ka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Al-Shabaab ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro” ayuu yiri sarkaalka ay soo xigteen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tisan yahay uusan wligiis kamid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay uleeyihiina haba yaraatee aysan jirin.

Al-Shabaab ayaan inta badan ka hadal saraakiisha laga qabto, waxaana warkan kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn,

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag.

NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this