Sign in to follow this  
Deeq A.

“Caleemo Saarka Madaxweynaha Jupland Axmed Madoobe Waan Tagaya,” Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in uu tagayo caleemo saarka madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), haddii uu ammaanku u saamaxo.

faysalwarabe.jpg

“Axmed Madoobe Caleemo Saarkiisa Waan Tagayaa hadii Nabad Galyada Meeshu Wanaagsan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlayay shirka golaha Dhexe ee xisbiga UCID ugu soo dhammaaday Burco.

Eng Faysal ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegayay in mucaaradka Farmaajo uu taageerayo, islamarkaana doonayo in Somaliland faro geliso siyaasadda Soomaaliya iyada oo cid kasta oo Farmaajo iyo xukuumaddiisa iska caabiyaysa gacan siinayso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this