Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida ay goordhow shaacisay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA,

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag.

NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad.

Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa aad sare ugu qaadday howl-gallada lagu beegsanayo Shabaabka ku dhex jira magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayada oo lasoo qabtay qaar badan oo ka mid ah, oo shaqooyin kala duwan ka dhex hayey kooxdan.

Dadaalladan ayaa hoos u dhigay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee kooxda ay ka fulin jirtay gudaha magaalada.

EDIwGYHXsAAXVDu.jpg EDIwGYJXsAAZYlT.jpg EDIwGYWWkAIrGus.jpg EDIwGYLXYAIFisN.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this