Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax noociisa lagu sheegay Miino oo ciidamo ka tirsan dowladda lagula eegtay isgoyska Albaraka, degmada Hodan ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay uu taagtaa gaari nooca loo yaqaano Qooqanta oo ay la socdeen askar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka ah.

Khasaaraha ka dhashay dhacdadan ayaa lagu tilmaamay dhaawac soo gaarey askar la socotay gaariga, kuwaasi oo baxbaano loola cararay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabqabtay tirro dad ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this