Deeq A. Posted August 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xilka qaadis isugu daray agaasimihii wasaaraddaasi, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale. Wareegtada oo ku taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya. Sababta xilka looga qaaday agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay inuu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin, maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites