Deeq A. Posted August 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa amar dul dhigtay diyaaradaha duulimaadka ku tega M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Hay’adda ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeyA diyaaradaha ku socda ama ka yimaada magaaladaasi ay soo mari garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ujeedka ayaa lagu sheegay mid lagu hubinayo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha ka daga garoonkaasi. Sidoo kale tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha la socodka hawada Soomaaliya ee ay maamulkeeda gacanta ku heyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse amarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo mamaulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites