Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaanada Deeqa Afro Oo Sharaxday Sababta Ay U Dalbatay In Maydkeeda Geed La Saaro iyo Fal Celinta Culimada

Recommended Posts

Deeq A.   

“Muuqaalka aan iska duubay ee aan ku lahaa geed hala isaaro wuxuu ahaa mid aan ugu talagay oo aan sidaa ku sii daayay”, ayey tidhi Deeqa Afro oo la hadashay BBC Somali.


(SLT-Hargeysa)-Deeqo ayaa dhowr bilood ka hor soo saartay muuqaal ay kaga hadleysay sida ay rabto in la yeelo marka ay dhimato ka dib, kaas oo falcelin aad u kala duwan ka dhaliyay baraha Bulshada.


Muuqaalkii ay iska duubtay ee ay ku codsaneysay in aan la aasin ayey ku tidhi: “Waxaan codsanayaa in maalintii ilaahay i oofsado ee aan dhinto in aan wax qabri ah la ii qodin; in aan la i aasin. Arrintan waxaa ka fikirayay muddo aad u badan”.


“Adduunka dhul la’aan kama jirto. Waddan kastaa wuxuu leeyahay dhul badaan oo lama degaan ah. Dhul la dhigi karo maydka meeshii laga aasi lahaa”, ayey hadalka ku dartay.


“Anigu in la i aaso diyaar uma ahi; in kastoo rajo aad u fiican aanan ka qabin”, ayey tidhi.

Deeqa Afro ayaa sheegtay in arrintaas ay horey ugala hadashay hooyadeed ayna ka diiday. Balse waxay dooneysaa in aanan la aasin.


“Waxaan aad iyo aad ula yaabaa dadka xabaala dadka kale. Mar alle marka uu qofka dhinto waxaad arkeysaa dad sidaa u soo kala ordaya oo majaafado iyo balaayo uun sita. Waxaan ku dhihi lahaa naxariis darada iska daaya”, ayey Deeqo ku tiri muuqaalka ay soo saartay.


Haddaba maxa Deeqo Afro hadalkaa ka keenay?


Deeqa Aadan Muuse waxay qirsan tahay in muuqaalka ay sameysay iyadoo og, ayna sidaa ku sii baahisay. Sababta ay u tidhi yaan la i aasin iyadoo sharaxeysay ayay sheegtay in “ay arrintaa jeclayd illaa yaranteeeda”.


Deeqa Afro ayaa sheegtay in weligeed halmar oo keli ay tagtay meel qabuura ah, waxayna raacday dhallinyaro ay saaxiibo yihiin oo hooyadood dhimatay, oo ay lu sii raacday illaa qabuuraha, sida ay BBC u sheegtay.


Dhinaca kale Qaar ka mid ah culimada soomaalida ayaa si weyn uga naqdiyay hadalka ka soo yeedhay fanaanadan, waaanay ugu baaqeen in ay ka tawbad keento go’aankaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this