Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka ganaciga Somalia oo xilka qaadis ku sameeyey agaasimaha wasaaraddaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa shaqo joojin iyo xilka qaadis isugu daray agaasimaha wasaaraddaasi, Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirkan, kuna taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyey waxaa horay shaqada uga joojiyey wasiirkii hore ganacsiga iyo warashadaha, Maxamed Cabdi Xayir, iyadoona markii dambe dib loogu soo celiyey shaqada iyo xafiiskii uu joogay.

Haddaba sababta xilka looga qaaday agaasime, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay:

In Cabdullaahi Xayir Ducaale uu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin,  maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah, tan iyo markii uu shaqada kusoo laabtay.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu amaray in agaasimahu wixii qalab iyo dukumiinti ah ay wasaaradda leedahay uu wareejiyo, kadibna uu iska xaadiriyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:

1-7.jpg2-10.jpgCaasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this