Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Laga Daweeyay Buro Maskaxda Ka Soo Baxday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Haweenay ayaa laga daweeyay buro maskaxda ka soo baxday ka dib markii dakhtar indhaha ku takhasusay uu baadhitaan ku sameeyay bukaankaas ka dibna indhaheeda ku arkay xaalad aan caadi ahayn.

108534701_72670cdf-b65b-4624-8f46-6592a7

Christel Callow oo 26 jirah oo ku sugan England ayaa hadda aruursanaysa 62,000 gini si ay u hesho nooc dawayn ah oo aan aad looga helin xarunta qaran ee caafimaadka Britain ee NHS loo yaqaanno.

Burada inteeda badan waa laga qalay balse waxaa loo sheegay in dawayn kale oo lagu sameeyo ay ka xeel dheeraan karto in lagu daweeyo radiotherapy.

Xarunta NHS ayaa gabadhan u sheegtay in dawaynta ay doonayso ay siiyaan dadka buuxiya shuruudaha u yaalla oo kali ah.

Christel ayuu madaxu aad u xanuuni jiray muddo labo bilood ah, 22 bishii Luulyo ayayna ballan ka qabsatay dakhtar.

Dakhtarka indhaha ku takhasusay ayaana arkay caddaadis saaran isha midigta ah ee gabadha oo qayb ka mid ah ay aad u guduudatay.

MRI laga saaray isbitalka Royal Shrewsbury Hospital ayaa muujiyay buro ku dhalatay maskaxda gabadha oo la eg kubadda tayniska lagu ciyaaro. Intaas ka dibna waxaa lagu qalay isbitaalka Royal Stoke Hospital.

“Waxay dhaheen muddo dheer ayaad la noolayd, haddii dhakhtarka indhuhu uusan ku arki lahayn waxay u badnaan lahayd in aad eersan lahayd, waaan miyir daboolmi lahaa ama dhinac ayaa i qalali lahaa,” ayay tidhi.

Christel ayaa loo sheegay in ay qabto kansar si dhakhso ah u koraya oo la dhoho anaplastic astrocytoma, ayna u baahan karto radiotherapy balse laga yaabo in dawaynta radiotherapy ay waxyeelayso qaybo ka mid ah maskaxdeeda, arrintaasna ay saamayn doonto hadalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda.

Qoyskeeda ayaa raadiyay qaab kale oo loo dawayn karo waxayna heleen proton beam therapy, waana qaab lagu tirtiro unugyada xanuunsan ee jidhka. Arrintaas ayaana lagu bartilmaameedsanayaa burada si loo daweeyo nooc gaar ah oo kansarka ka mid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this