Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Falastiini Ah Oo Deeq Waxbarasho Helay Oo Laga Hor Istaagay In Uu Galo Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Arday Falastiini ah oo dhowaan waxbarasho ka helay Jaamacada Harvard ayaa laga mamnuucay in uu gudaha u galo dalka Mareykanka.

1567019512fc320.jpg

Ismaaciil Ajaawi oo 17 jir ah ayaa su’aalo waxaa weydiiyay saraakiisha waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka.

Su’aalo weydiintan oo socotay muddo afar saacadood ah ayaa waxaa ka mid ahaa diinta uu haysto ardaygaan iyo shaqsiyaadka caanka ah ee saaxiibka kula yahay baraha Bulshada.

Mr Ajaawi oo 17 jir ah oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Lubnaan ayaa deeq waxbarasho waxaa siiyay hey’adda Hope Fund.

Afhayeenka laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka Michael McCarthy ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ardaygaan uu ka jawaabi waayay su’uulihii la Weydiiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this