Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey Oo Diblomaasi Suudaan Ah U Soo Magacawday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergeygiisa arrimaha Soomaaliya ee James Swan.

Adam1-324x235.jpg

Guterres ayaa xilkan u soo magacaabay Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Sidoo kale Mulla ayaa qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Ninkan ayaa bedalaya George Canaway oo u dhashay dalka Canada, islamarkaana QM u qaabilsanaa howlgalkeeda Soomaaliya.

Diblomaasigan ayaa hore uga soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kalem isaga oo leh wax ka badan 30 sanno oo khibrad ah.

30 kii May ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay James Swan u soo magacawday wakiilkeeda Soomaaliya, kaas oo bedalay ergeygii la eryey ee Nicholas Haysom.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this