Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Kordhiyay Cunaqabateynta Saaran Dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ganacsi ee xidhiidhka la leh wadanka Iiraan.

1567017950ca5b2.jpg

Waaxda maaliyadda ayaa liiska madow waxay ku dartay laba shirkadood kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay xidhiidh la leeyihiin ciidanka kacaanka islaamiga ah ee Iiraan.

Mid ka mid ah shirkadahan oo laga leeyahay wadanka Hong Kong, kana shaqeysa dhanka Technoolajiyada ayaa ka mid ah shirkadaha lagu eedeeyay in ay caqabad ku tahay amniga Mareykanka.

Waxyaabaha kale ee shirkadahan ganacsi waaxda maaliyada Mareykanka ay ku heysato ayaa waxaa ka mid ah in maadada Uranium-ka ee laga sameeyo hubka wax gumaada ay u gudbinayeen dalka Iiraan.

Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii madaxweyne Donald Trump, uu ka baxay heshiiskii hubka Nuclear-ka ee wadamada quwadaha oo Mareykanka uu qeybta ka ahaa sanadkii 2015-kii uu ka Baxay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this