Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna iyo DF oo xal ka gaaray khilaafkii ka taagnaa Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo xasaasi ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulamadan oo ahaa kuwa aan loo kala kicin ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka dowladda federaalka  iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sida ay wararku sheegayaan kulamada ayaa waxaa wada qaatay hoggaanka  Ahlu Sunna iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliy, Cabdi Maxamed Sabriye.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaaa Caasimada Online u sheegay in la xaliyey tabashadii ay qabeen ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana meesha laga saaray khilaafkii ka taangaan magaalada Dhuusamareeb.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tabashada ay qabeen, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya raali ka yihiin howlaha ay wado dowladda.

Arrintan ayaa soo afjareysa xiisadii u dhexeysa dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna oo dhankeeda xal ka gaartay kala qeybsanaanta ka jirtay dhexdeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this