Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo soo dhoweysey diidmada Qaramada Midoobey ee qaraarka 1267.

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey Abuukar Daahir Cusmaan waraysi gaar ah bixinayey ayaa golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada golaha ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha”, ayuu yiri danjire Abuukar.

Dhanka kalena, waxaa go’aankaan siweyn u soo dhoweeyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo boggiisa gaarka ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu markale waxa uu yiri,“Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLANDPOST

The post Soomaaliya oo soo dhoweysey diidmada Qaramada Midoobey ee qaraarka 1267. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this