Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilliga la caleemo-saarayo A/Madoobe oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo-(Caasimada Online) – Kulan aan caadi ahaayn oo maanta ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Jubbaland, lix maalin kaddib dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu iclaamiyay waqtiga la qabanayo Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda ku gorfeeyay arimo badan oo ay ka mid tahay xayiraadii xukuumadda federaalka ka saarneed magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday arimaha caleemo saarka Madaxweynaha.

Golaha ayaa guddi qaban qaabo u magacaabay xafladda caleemo saarka, waxaana guddoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere).

Kulankii golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu iclaamiyey waqtiga ay dhaceyso xafladda caleemo saarka, iyadoo loo asteeyey inay dhacdo Munaasadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland 26/9/2019.

Guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axnmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la faray inay dar-dar galiyaan howlaha loo igmaday.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this