Deeq A. Posted August 28, 2019 (SLT-Sanca)-Millatariga dalka Yemen ee taageerada ka helaya caalamka ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada xeebta ah ee Cadan. Wasiirka warfaafinta Mucamar Al-Ceryani ayaa sheegay in saddex todobaad kadib ay ciidankooda ay ku geeleysteen in mucaaradka laga saaro magaalada oo ay kala wareegeen millatariga Imaaraadka. Mr Ceryani ayaa ku soo qoray bartiisa Twitterka in ciidanka yemen ay gacanta ku hayaan dhammaan degmooyinka Cadan. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale daba socday muuqaal yar oo muujinaya shacab wata sawirka madaxweyne Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. Source Share this post Link to post Share on other sites