Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii 7’aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaridka UCID-Oo Magaalada Burco Ka Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga-Mucaaridka-UCID-300x200.jpg“Arinta Caare Waa Gantaal Badhida Inaga Yaala hadii aynu Reer Somaliland nahay,, hadii Maanta uu Caare yidhi Waar Hubkaygii iyo Anigaba I Hooya, Maaha Inay Dadka Qaar Yidhaahdaan Waa Dambiile Iyo Waa Kan…”

Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si mug leh uga hadlay Xaaladda Siyaasaddeed ee wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso waxaanu si gaara u dul istaagay arimaha Qabsoomida Doorashooyinka iyo Carqaladdaha ku Xeeran, Xaaladda Goboladda Bariga Somaliland gaar ahaan Jabhadda Kornayl Caare ee G. Sanaag iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ka tirsanaa ee G/Sool ka tirsanaa ee Putland u goostay.

Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta Magaaladda Burco kaga qaybgalay ku Shirkii 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo Burco uga furmay, waxa uu halka ka jeediyey Khudbad muhiima oo dhinacyo badan oo Xaaladda Siyaasaddeed iyo Amni ee Wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso kaga hadlay isaga oo arin nasibi daro ah ku tilmaamay in Jabhadda Kornayl Caare oo u diyaara inay Somaliland isku soo dhiibto lagu tilmaamu dambiile qaran lana faro geliyo Ergadii Odayaasha ahayd ee arinta isku Xilqaantay, waxaanu dhinaca kale ka hadlay arimaha Qabsoomida doorashooyinka golayasha deegaanka iyo Wakiiladda iyo Carqaladdaha hortaagan ee Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa looga baahan yahay inay wax ka qabtaan.

https://www.youtube.com/watch?v=7gPOuUES8YQ&feature=youtu.be

Virus-free. www.avast.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this