Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo markii uu Muqdisho ka tagay maanta kadib shaaciyey warqad uu horey ugu diray Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo 22-kii bishan loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Warqada hambalyada ee kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf oo maanta la shaaciyay ayaa Axmed Madoobe loo diray 22-kii bishaan oo ku beegneyd maalintii loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Xaaf ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka jubaland inay wada-hadal ku xaliyaan khilaafka ka dhex-jira dibna loo soo celiyo wadashaqeyntii ka dhaxeya labada dhinac.

Hambalyadaan uu madaxweyne Xaaf u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland oo maanta la shaaciyay ayaa kusoo aadeysa xilli uu Xaaf maanta gaaray magaalada Hobyo kadib ku dhowaad laba bi loo uu ku sugnaa Muqdisho.

WhatsApp-Image-2019-08-28-at-16.13.29.jp

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this