Deeq A. Posted August 28, 2019 Taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa maanta dibadbax ka dhigay waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug Dibadbaxan oo saacado socdey ayey ka qeybgalayaashu wateen boorar ay ku diidan yihiin saraakiil amni oo dhowaan dowladda halkaasi u magacawday, waxaa kale oo ku qeylinayeen “Culimo diid doonimeyno”, “Khawaajir doonimeyno” iyo erayo kale. Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo dibadbaxa kadib la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxoodu ahaa mid nabad ah, lagu diidanaa in Dhuusamareeb dagaal ka dhaco iyaga oo intaasi raaciyey in laga rabo dowladda federaalka ah iney dhageysato rabitaanka shacabka Dhuusamareeb. Dhanka kale isla Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dibadbax kan Ahlu sunna ka yaraa oo lagu taageeray ra’iusul wasaare Kheyre, waxaana ku qornaa boorarka“dowlad diid doonimeyno”, “daneyste doonimeyno”. Maamulka Ahlu Sunna ayaa shalay talaadadii sheegay inuu burburay Heshiiskii ay la galeen DF iyaga oo sheegay in diyaar u yihiin difaac iyo dagaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites