Deeq A. Posted August 28, 2019 Baydhabo (SMN) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xaaji oo ku sugan magaalada Baydhanbo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay xiriirka wasaaddiisa iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay inuu ka dhexeeyo iskaashi xoogan. Abuukaate Xasan Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay adkeynayaan hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba. Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradaha maamul goboleedyada uu kala shaqeyn doono, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha cadaaladda. Dhanka kale wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo qorshe la doonayo in lagu dhiso xabsi weyn oo ay dowladda Soomaaliya ka hirgelineyso gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka K/Galbeed. Dowladda dhexe ayaa dadaal xoogan ugu jirta, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha garsoorka dalka , si ay dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad iyo sinaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites