Deeq A. Posted August 28, 2019 Kismaayo (SMN) – Taliska Africom ayaa beeniyey in dhowaan duqeymo dhanka cirka ah Mareykanka uu ka fuliyey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo ka dhacay gobolladaasi. War ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in warar la baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa inta badan duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites