Deeq A. Posted August 28, 2019 Kismaayo (SMN) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in mas’uuliyiinta DFS, gaar ahaan wasiirada ay tagi karaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulan ay maanta golaha wasiirada maamulkaasi ku yeesheen Kismaayo, islamarkaana uu guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayey ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya xayiraadii laga qaaday golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Jubbaland ayaa xiyaraadan saartay xukuumadda dhexe, kadib markii uu khilaaf ku saabsanaan hannaankii doorashada uu soo kala dhexgalay labada dhinac. Sidoo kale doorashada Jubbaland oo sababtay in la doorto illaa saddex Madaxweyne ayaa waxaa ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona haatan Kismaayo ay ku wada sugan yihiin C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Axmed Madoobe oo ah saddexda nin ee la doortay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites