Deeq A. Posted August 28, 2019 Garowe (SMN) – Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan hoose ka akhriso qodobada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites