Deeq A. Posted August 28, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbax ka dhigay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayey dadaalka ay dowladdu ka wado gudaha magaaladaasi ee lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Dibadbaxayaasha aya ku qeylinayey arayo ay ku taageerayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii ay Ahlu Sunna ay shaacisay inuu burburay heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya, walow ay dowladda federaalka ay iska fogeysay eedeyntaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites