Deeq A. Posted August 28, 2019 Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka socda dibad baxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageeraayo Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha magaaladda Dhuusamareeb, waxaana mid kamid ah lagu taageerayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladda ay ku bixinayso dhismaha maamulka Galmudug ee bartahamaha Soomaaliya. Banaanbaxa labaad ayaa waxaa dhigaya dad ka caraysan in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo gayso Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyaga oo taageeraya hadal shalay ka soo baxay madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si taas lamid ah magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo looga arrinsanaya khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ee arimaha maamul u samaynta Galmudug iyo diidmada Ahlu-Sunna ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb. Xarunta uu wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ka daganyahey Dhuusamareeb ayaa inta badan kulamo ugu socdaan waxgaradka deegaanka iyo ergooyinka ka qayb galayo Shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug. Sidoo kale xarunta uu ku shaqeeyo madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo ugu socdaan Hogaanka Ahlu-Sunna iyo waxgarad doonaya in ay xaliyaan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee Dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites