Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo beenisay in duqeymo ay ka fulisay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa beeniyey in saddexdii maalin ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

AFRICOM ayaa shaacisay in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo la sheegay in ay ka dambeysay dowladda Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in wararka la baahiyey aysan aheyn kuwa jira.

“Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu duqeymo xoogan oo dhanka cirka a ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this