Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Iskaashiga Afrika Iyo Japan Oo Maanta Furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tokyo)-Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Tokyo ee Caasimadda Japan.

Shir-2-750x430.jpg

Shirweynahan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Tokyo ee dalka Japan.

Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this