Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Iyo Ruushka Oo Ka Heshiiyay Qaabka Loo Wajahayo Howlgalada Ka Socda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowlada Turkiga iyo Ruushka ayaa gaadhay heshiis lagu dajinayo xiisadda ka taagan gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Suuriya.

15669335219b7a8.jpg

Turkiga ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay millatariga Suuriya oo garab ka helaya kuwa Ruushka ay kula jiraan maleeshiyaadka ku sugan Idlib oo daris la ah Turkiga.

Labada madaxweyne ayaa heshiiskan ku gaadhay magaalada caasimada ah ee Moscow salaasadii shalay.

Mr Putin ayaa yidhi waxaan aniga iyo Erdogan si wadajir ah ugu heshiinay in la Iska kaashada soo afjarida kooxaha Argagixisada lagana dhigo xaalada gobolka mid Xasiloon.

Xukuumada Ankara ayaa markii hore dhaliilsaneyd siyaasada dowlada Suuriya iyo Turkiga u wadaan howlgalka ka socda gobolka Idlib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this