Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ka dambeeyey dilka mas’uul hore oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Marxuum Maxamed Amiin Sheekh.

NISA ayaa sheegtay in ninkaasi lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo laga fuliyey xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid .

Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin telefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada.

Ma shaacin taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka magaca ninkaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-Shabaab.

“NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid  dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this