Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno kasoo baxaya weeraro ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, deegaanada Shangare iyo Bariire ee gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, iyaguna ay  dhankooda u jawaabeen.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidamada dowladdu ay ka bilaabeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this