Deeq A. Posted August 28, 2019 Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, deegaanada Shangare iyo Bariire ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, iyaguna ay dhankooda u jawaabeen. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidamada dowladdu ay ka bilaabeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites