Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Trump oo dalbaday in Ilhan laga Eryo Congress-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga eryo Congress-ka dalkaasi.

Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israel iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah.

Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga.

Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in Ilhaan Cumar laga eryo guud ahaan Congress-ka.

Dhanka kale illaa iyo hadda Ilhaan kama aysan jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiillada gobolkaasi.

Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo mid kasto ku weerarayo kan kale.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this