Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Askari ciidamada DF iyo Shabaab ka wada tirsan oo askari kale dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa lagu daaweynayaa askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo todobaadkaan lagu dhaawacay degmada Waabari ee Gobalka Banaadir.

Askariga ilaalada u ah Prof Jawaari, oo hadda ku maqan dalka Canada, ayaa waxaa dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada dhar cadka ah ee bilo ka hor laga aas aasay magaalada Muqdisho, kaas oo isagana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askariga uu dili rabay ee ilaalada u ah guddoomiye Jawaari.

Labadaan Askari oo midkood ka tirsan yahay Al-Shabaab, halka midka kale ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee amniga Soomaaliya ayaa iyagoo dhaawac ah oo is dhaawacay la dhigay Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho, iyadoo ay arintaasi dhalisay hadal heyn Xoog leh.

Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in kadib markii ay dhacdadan dhacday baaritaan lagu ogaaday askariga dhar cadka ah uu si hoose uga tirsanaa Shabaab

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo la wareegay dhaawaca labada Askari ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dhab ah oo ku saabsan sababta keentay in ninkaan uu weerar ku qaado askarigan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya sidoo kalane ilaalo gaar ah u ah guddoomiye Jawaari iyo inta uu la ekaa xiriirkiisa kooxda Shabaab, iyo haddii ay jiraan falal kale oo uu gaystay.

Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada labada qof ee dhaawaca ah balse waxaan akhristiyaasheena la wadaageynaa in labadooduba la dhiga Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Askariga Ilaalada u ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac aan aad u darneen ayaa markii la wareerayay ka yimid Iskuul lagu barto luqadda English-ka oo uu Galabtii ka dhigto degmada Waabari ee Gobalka Banaadir.

Hore ayaa Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya waxay dilal ka fuliyeen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay sidoo kale ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this