Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska booliska G/Banaadir oo go’aan ka gaaray dhamaan shaqaalaha dowlada hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya la wadaagay go’aan lagama maarmaan ah oo ku saabsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kadib weerarkii ka dhacay xarunta gobolka.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo dhamaan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sida ay shaqada ay ku soo galeen.

Booliiska ayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka u jeediyay in shaqaalaha oo dhan la marsiiyo nidaamka saxda ah ee Shaqaaleysiinta, sidoo kalane dhamaantood loo diro qof damiin buuxa ka noqon kara oo loo raacdo wax kasta oo ka yimaada qofka la damiintay.

Booliiska Gobalka waxay sheegeen in aysan bilaaban karin shaqada dowladda Hoose islamarkaana adag tahay sida lagu helo kalsooni amni iyadoo aan dib u eegis lagus sameynin Shaqaalaha oo dhan oo intooda badan nidaam aan sax aheyn lagu qortay.

Boqolaal qof oo waxaa jira ana wax shaqo ah qaban balse gobolka looga shaqaaleeyey hab qaraabanimo, si ay mushahar un uga qaataan.

“Kaliya amniga gobalka saameyn maayaan shaqaalaha laakiin waxayn saameyn ku yeelanayaan dhamaan amniga mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha kalaba haddii aan dib u eegis lagu sameynin Shaqaalaha Dowladda Hoose oo dhan” ayuu yiri qof ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Al-Shabaab waxay gobalku ku leeyihiin xidido adag oo u baahan in la siibo, hadii aan wax laga qaban-na waxaa halis ku jira nolasha dad badan iyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkaan kat irsan Booliiska Soomaaliya ee la hadlay Caasimada Online.

Cumar Finish, Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa dalbaday in Booliiska Soomaaliya ee Gobalka Banaadir kala shaqeeyaan sidii uu u hagaajin lahaa Shaqada iyo Shaqaalaha Gobalka isagoo dalbaday in mudada dib u eegista ka horeysana aad loo adkeeyo ammaanka Gobalka.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa hadda wada dedaal lagu xaqiijinayo amniga masuuliyiinta Gobalka Banaadir iyadoo sidoo kale shaqaalaha iyo dadka kalaba aad loo baarayo. Baaritaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sameynayaa agabyada uu qofka wato sida kabaha IWM ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this