Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Barre Hiiraale oo ku baaqay in la taageero Shabaab, “hal sabab darteed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Koloneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mar soo noqday wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya ayaa  wareysi gaar ah waxaa uu  siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaatada ciidamada Kenya ka geystaan dalka.

Barre Hiiraale ayaa si layaab leh u sheegay in ay muhiim tahay in xilligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si buu yiri loola dagaalamo ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Barre ayaa arrintan sabab uga dhigay in dowladda Kenya ay duulaan ku tahay  dalka soomaaliya, awoodda jabin kartana ay tahay dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ay dhib badan ku hayaan qarannimada umadda Soomaaliyeed.

Barre Hiiraale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay iminka haysato dhibaato ka badan Al-Shabaab oo ah ciidamada Kenya, sidaas darteedna ayaga lagu taageero inay ka adkaadaan Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga Barre Hiiraale

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Qaybta-2-aad-Wareysiga-Barre-Hiiraale-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this