Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Xukumada Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda.

Af-hayeenka Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu-sunna, islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Al-shabaab.

Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaada ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:-

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this